Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Dharka lagu xajiyo amma lagu cimraystaa ma waajib baa inay cadaan ahaadaan?

Bismilaah Alxamdulilaah; Jawaabta aan horaysiiyee waajib maaha laakin waa sune. Rasuulkuna SCW dharka cadcad kolay amaan dheeraad ah ayuu siinayay, ama ha ahaato qofkii dhintay oo lagu kafno, ama aha ahaato qofkii oo jumcadiiba u qaata, amma ciidii u qaata, ammaba dee ixraamkii u qaata. Waa iska sune ee waajib maaha. Cabdilaahi ibnu cabaas Radiya Laahu Canhu, waxa uu ka waramayaa Nabi Maxamed oo xidhanaya SCW camalkii, waxa uu leeyahay “ Rasuulku markii uu xajka xidhanayay iyo marka uu cumrada xidhanayaba, inta uu soo dhaqaaqo oo kolka horena uu isa sii diyaariyo uu sii feedho oo subag marsado ayuu labadiisaa go’na xidhan jiray. Idan Markaa dharka cadi wasakhduna had iyo jeer kuma soo gaban karto, oo dee markiiba way ka muuqanaysaa oo dee inuu qofkii markiba iska nadiifiyo ayay noqonaysaa. Sidaas daraadeed ayay qofkii dhintay sune u tahay oo kafanta lafteedu inay cadaato waajib maaha ee iyaduna wa iska sune. Walahu Aclam.

 

Rayiga Dadweeynaha

Photo Gallery

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diinta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Banner

Banner