Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

3. Haddii Sheekh gabadhayda oo caado lahayd oo dhiigii xaydku ku yaalay oo wakhtigii dhiigaasi ku ooli laha dhamaado, hase ahaate aanay ka maydhan oo aanay ka dahaaro qaadan, ma banaantahay in loo galmoodo mise waa xaaraan? Maxamed Axmed Cali

Bismilaah Alxamdulilaah; Mar kale waxaan ku celin lahaa waxyaabaha maydhiga keena waxa kamid ah dhiigaa caadada iyo kaa dhalmada oo ruuxii dumarka aha ka go’a. Kolkaa marka uu ka go’o ee uu iska taago ee wakhtigiisu dhamaado, waxyaabaha aan u banaanayn waxa kamid ah ; inay tukataa uma banana, inuu ninkeedu u galmoodaana uma banana jeer oo ay maydhato. Maydhi ayay ku xidhanyhiin. Idan markaa dhiigii waa inuu go’aana kana maydhataana. Waxaynu ka fahmaynaa aayadan “ Dumarkii ha u dhawaanina marka ay caadada leeyihiin, Ilaa uu ka go’ayo, oo ay ka dahaaro qaadanayso.” Macnaha ay bixinaysaa waxa weeyan carabi ahaan, marka ay ka maydhaan. Markaa Ilaahay baaba cadeeyayba. Markaa si nadaafadii kaamil u noqoto oo u buuxsanto waa in uu go’aa dabadeed ruuxii dumar ahayd ka  maydhataa.

Waliba sida uu rasuulku ku talinayay SCW e , meelihii dhiigu maray cadar udgoon iyo intay miski mariso inay maro mariso oo kusii xoqdo oo ku nadiifiso si markaa arinti u dhamaystiranto. Midhka markaa aynu kusoo ururinaynaa waxa weeye , waa daruuri, waajib baanay tahay inay maydhato wakhtigaasaanu u tagi karaa. Saxaabiyad ala odhan jiray Farima Bintu Xubaysh, markuu rasuulku la hadlayay SCW iyadoo uu kala talinayay dhiigaas dhabar furanka ah iyo ka caadada iyo habka ay cibaadada u gudan lahayd, waxa uu laha rasuulku “ Intaad maydhato marka uu xaydku kaa go’o dabadeedna tuko” Markaa sidaasay isku daba soconayaa, xadiiskaas oo Mutafaqu calayhi ah. Markaa waxkaamtan ninkan Su’aalihiis danbe ay u badan yihiin  ee u saabsan dadku siday u dahaaro qaadanayaan, ioyo labada qof ee sawjaynka ah  habka ay u wada noolaanayaan  waa mid muhiim ah inay ruuxii dumarka ahayd wax ka ogaato ninkiina wax uu ka ogaado si xaraam aanay ugu dhicin, anshax xumo iyo edeb darona aanay runtii u imanin. Islaamka habka wanaagsan ee uu u dhigayna dee loo raaco. Walaahu Aclam

 

Rayiga Dadweeynaha

Photo Gallery

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diinta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Banner

Banner